Saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Al-shabaab waxaa ay ka fuliyeen deegaano hoostego Gobolada Shaballooyinka iyo Hiiraan.
Inta uu socday howlgalka Ciidamada ayaa la sheegay in lagu burburiyay fariisimo ay lahaayeen Al-shabaab oo ku yaalla deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka dowladda.
Taliyaha Ururka 4-aad ee Kumaandooska DANAB Labo Xidigle Maxamed Saleebaan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa Carabka ku dhuftay in howlgalka lagu qabtay Saraakiil ay ku sheegeen in Shabaab ay u qaabilsanaayeen Maaliyadda Hiiraan iyo Maktabka Waxbarashada Dumarka ee Degaanka Ceel-cadde.
Magacyada Saraakiisha la qabtay ayaa lagu kala sheegay Xasan Yuusuf Cali iyo Cali Cabdulle Jilacow, kuwaasi oo ku sugnaa deegaan ka tirsan Gobolka.
Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka ee DANAB ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgal lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
Dhinaca kale Al-shabaab ayaa dhankooda weeraro kala duwan xiliyada habeenkii ah ku qaada Saldhiyo Ciidamadan dowladda iyo kuwa AMSIOM ay ku leeyihiin Gobolada dalka, waxaana weerarada qaarkood ka dhasha khasaaro kala duwan.