Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa degaanka Baar-sanguuni ee Gobolka Jubbada hoose waxa ay ku soo Bandhigeen Xuseen Xasan Cambeer, oo horay ugu tirsanaa Al-shabaab.
Sidoo kale Sarkaalka isa soo dhiibay ayaa Shabaab u qaabbilsanaa abaabulka waxa ay ugu yeeraan kooxda jugta culus.
Abaanduulaha guutadda 11-aad Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare, Ismaciil Sheekh Isxaaq ,ayaa Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in Ninkani uu ahaa Sarkaal sare oo Al-Shabaab ah, isla Markaana ka dagaalami jiray Gobolka Shabeellada hoose.
Korneyl; Ismaaciil sheekh Isxaaq, ayaa sheegay in isa soo dhiibista Sarkaalka Xuseen Xasan Cambeer, ay timid markii uu dagaal la galay Kooxo kale oo daacad u ahaa shabaab, taas oo u suurto gelisay in uu si nabad ah isu soo dhiibo.