Ciidanka Danab oo sheegay in ay dileen Xubno sar-sare oo ka tirsan Al-shabaab

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa xalay howlgal ay ka sameeyen duleedka deegaanka Tooratoorow ee gobalka shabeellada hoose ayaa waxaa  ay  sheegeen in ay ku dileen Xubno ka tirsan   Al-shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheeysan ayay ciidamadu sheegeen in ay ku dileen sideed ruux oo isgu jirta Saraakiil  iyo dagaalamayaal ka tirsan AL-shabaab kuwaasi oo sida ay sheegeen uu qorshaha howlgalku ahaa.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay in Saraakiisha la dilay ay ahaayeen kuwo dhibtaato badan ku hayay Ummadda Soomaaliyeed, waa sida hadal uu u dhigaye, islamarkaasna la soo afjaray howlgalkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media