Wararka aan ka heleyno deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaa in Maanta halkaas ay la wareegeen Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Danab ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in Al-shabaab lagala wareegay gacanta ku heynta deegaanka Tooratoorow oo in muddo ah oo ku sugnaayeen Shabaab, isla markaana ay ku lahaayeen Maxkamado waaweyn.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Ciidanka Danab ay howlgal ka wadaaan Xaafadaha kala duwan ee deegaana, waxaana Jid kasto lagu arkayaa Ciidamo badan oo ka tirsan dowladda.
Ilaa iyo hada lama oga in Ciidanka Danab ay dagaal kula wareegeen deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellahha Hoose, halkaas oo ay in muddo ah maamulayeen Al-shabaab.