Ciidanka DANAB oo Howlgal qorsheysan kula wareegay degaano hor leh

Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliya ayaa Al-shabaab ka saaray Deegaano ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose, Kadib howlgal qorsheysan oo Danab ay ka sameeyeen deegaano hoos yimaado degmooyinka Kismaayo iyo Jammaame ee Gobolkaas.

Kumaandooska ayaa Howlgalkaan kula wareegay tuulooyinka Xawaaljiri, Bernasey, yaaqbishaar iyo Cusbo, halkaas ay la sheegay inay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha Ururka 5-aad guutada 16-aad kumaandooska Danab ee xoogga dalka G/le Xasan Aadan Ciraaqi ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in howlgalka lagu dilay 6 ka tirsan Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu tilmaamay intii ay howlgalka ku guda jireen inay la kulmeen dad ay sameeyn ku yeesheen dhibaatooyin uu sheegay in lagu haayay, kuwaasi oo ay siiyeen cunto biyo iyo daawo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media