Ciidanka DANAB ee Xooga dalka gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ayaa xalay howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidanka DANAB ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay deegaanka baladul Amiin ee Shabeellaha Hoose, waxaana la sheegay in halkaas Saldhig ay ku lahaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka DANAB ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu soo qabtay afar ruux oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.
Sidoo kale Saraakiisha ayaa tilmaamay in dadka lasoo qabtay haatan ay ku socdaan baaritaano kala duwan, isla markaana howlgalka ka ah Al-shabaab uu sii socon doono.
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal kala duwan oo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolada dalka.