Waxaa xalay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya howlgal ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.
Howlgalka oo ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda ayaa Ciidamada waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha Dabakaayo Madow iyo Xoosh ee Degmada Dharkeenley,isla markaana lagu baarayay Guriyo ku yaalla halkaasi.
Sidoo kale inta uu socday howlgalka ayaa waxaa baaritaano kala duwan lagu sameeynayay gaadiidka noocyadiisa kala duwan,waxaana lagu soo qabtay dad u badan dhalinyaro.
Dad ku sugan Xaafada Xoosh oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in dadkii Ciidamada ay ka qbteen la isugu geeyay meel barxad ah,iyadoona inta badan dhalinyarada la sii daayay,halka qaar kalena ay Ciidamada horey u wateen.
Shalay ayay aheyd markii Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed ay sheegtay in howlgala kala duwan oo Ciidamada ka sameeyeen degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ay kusoo qabteen in badan 80 ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab,waxaana howlgalka uu yahay mid lagu xaqijinayo amniga Caasimadda ee Magaalada Muqdisho.