Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay kulan looga hadlay amniga Caasimadda ku yeeshay maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka dowladda Soomaaliya.
Kulanka oo lagu qabtay Xarunta qeybta Booliska Gobolka ayaa waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow,isla markaana waxaa goobjoog ka ahaa Saraakiil kala duwan oo ka tirsan Ciidanka dowladda.
Sidoo kale inta uu kulanka socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay guulaha Ololaha la dagaalanka Burcada iyo Ragga hubeysan,iyo Nin hubeysan oo shacabka dhib ugu geysan jirey Degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis,kaasi oo la soo qabtay isagoo dhaawac ah kadibna Isbitaal ku geeriyooday.
“Sidoo kale waxaa la soo qabtay Ragg kale oo la raadinayey lagana soo kala qabtay degmooyinka Dharkeenley, Deyniile iyo Yaaqshiid, oo uu ka mid yahay Cabaas Xasan Maxamed oo mudo laga raadinayey degmada Dharkeenley”ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa waxaa uu sheegay in ay sii wadi doonaan qorshaha lagu sugayo amniga Caasimadda,isla markaana waxaa uu digniin u diray kuwa ku howlan inay nidaamka dowliga iyo awaamiirta ciidanka iska indhatira.