Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda Soomaaliya ayaa Albaabada isugu dhuftay
Xaruumaha KAMEL FOREXÂ oo ah xaruumo ganacsi oo qaab Online ah looga kala Sarifto lacagaha qalaad.
Dad Soomaliyeed oo badan ayaa sanadihii ugu dambeyay shaqo abuur ka sameeyay baraha Internet-ka adeega lagu magacaabo FOREX Tareen.
Suuqa ugu weyn ee dunida ee lacagaha lagu kala badasho waxaa uu ku dhex shaqeeyaa Internet-ka waa Suuq furan oo sarif ah,
Dhalanyaro badan ayaa ku soo badanaya isticmaalka adeegan oo macaash badan ka sameeyay.
Suuqan ayaa ku sahlaya adigoo hooygaaga jooga qaab Online ahaan in aad ka sameysid lacago farabadan balse uu kaaga baahanyahay barasho.
Milkiilayaasha KAMEL FOREX ayaa Dalsan u xaqiijiyay in iyagoo ku guda jira howl maalmeedkooda in lagu amray in albaabada isugu dhuftaan xaruumahooda ganacsi oo ku yaalla agagaarka Isgoyska Zoobe, Suuqa Bacaad iyo Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo hada Lama oga sababaha ay hay’addaha amniga dowladda u xireen xaruumaha KAMEL FOREX,hayeeshee Milkiilayaasha ayaa sheegay inay ka walaacsanyihiin talaabada ay xaruumahooda gancsi ku xireen hay’addaha amniga.
Dhinaca kale xiriiro kala duwan ayaa la sameeynay Saraakiisha dhanka aniga ee dowladda,hayeeshee nooma suuragelin.