Aqalka hoose ee baarlamaanka dalka Japan ayaa maanta oo arbaco ah u doortay Yoshihide Suga in uu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaas. Ninkan ayaa kamid ah wasiiradii la soo shaqeeyay siddeedii sano ee dalka uu xukumayay ra’iisul wasaaraha xilka ka degay ee Shinzo Abe.
Mr. Suga, oo 71 sano jir ah, ayaa Abe u ahaa gacantiisa midig, waxaana uu hormuud u ahaa fulinta barnaamijka xukuumadda oo ay kamid tahay istiraatiijiyada dhaqaalaha dalka.
Ra’iisul wasaarihii ugu muddada dheeraa Japan Shinzo Abe, ayaa isku casilay sababo la xiriira caafimaadkiisa. Mr. Suga waxaa uu ahaa xoghayaha golaha wasiirrada Japan.
Mr. Suga wuxuu heley 314(Saddex boqol afar iyo toban) cod tirada guud ee aqalka hoose baarlamaanka dalkaas oo ka kooban 462 (Afar boqol labo iyo lixdan) mudane. Go’aanka kama dambeysta ah ee doorashada ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa iska leh aqalka sare ee dalkaas, waxaana la filayaa in Mr. Suga ay u xulan doonaan hoggaanka dalka, maadaama awood ay ku leeyihiin xisbiga talada haya ee LDP.