Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo isugu jira Milateri, Nabadsugid iyo kuwa Booliska ayaa Goordhow gaaray deegaanka Balicade ee ku yaalla duleedka Cadaado, halkaas oo ay ku dagaalameen Maleeshiyo beeleed.
Ujeedka Ciidamada Dowladda u gaareen deegaanka Balicade ayaa waxaa uu yahay sidii ay u kala dhex geli lahaayeen Maleeshiyaadka ku dagaalamay halkaas welina is hor fadhiya.
Taliyaha Ciidanka NISA qaybta Maamulka Galmudug Mahdi Cumar Muumin oo hogaaminayo Ciidanka Dawladda ayaa waxaa uu sheegay in ay kala qaadi doonaan Maleeshiyaadka oo uu dhexmaray dagaal geystay Khasaaro isugu jira dhiamasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Maleeshiyaadka ay isku heystaan dul-daaqsimeed ku yaalla deegaanka Balicade, isla markaana dagaalkooda uu dhowr jeer soo laab-laabtay.
Dhinaca kale Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug ayaa gaaray deegaanka Furinta-Foore oo ka tirsan Gobolka Galgaduud gaar ahaan xiga dhanka Xuduudka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed.