Gelinkii dambe ee Maanta ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afika ee AMISOM waxaa qarax lagula eegtay qeybo kamid ah Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.
Qaraxaas ayaa waxaa uu ahaa Miino nooca dhulka lagu aasay,isla markaana waxaa Ciidamada lagula eegtay xili ay marayeen inta u dhexeeysa Xaafada Soos iyo Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in qaraxa,kadib Ciidamada AMISOM ay fureen rasaas badan,taasi oo weli la shaacin Khasaaraha ay geystay.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha qarxaas ka soo gaaray Ciidamada AMISOM,hayeeshee waxaa la sheegay in Ciidamada horey ay usii wateen socdaalkooda.
Inta badan Ciidamada AMISOM ayaa waxaa qaraxyo kala duwan lagula eegtaa xiliyada ay socdaalka ku marayaan inta u dhexeeysa Xaafada Soos iyo Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir,waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan.