Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta oo Isniin waxaa ka degtay diyaarad sida Cutubyo hor leh oo ka tirsan Ciidanka Booliska ee sida gaarka u tababaran ee Harmacad.
Ciidankan gaaray Dhuusamreeb oo tirro ahaan gaarayay ilaa iyo 50 Askari ayaa waxaa laga qaaday Magaalada Muqdisho, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan.
Sidoo kale Ciidanka ayaa la sheegayaa in halkaas ay geysay dowladda, iyagoona ku biiraya kuwii horey halkaas loo geeyay, waxaana la dejin doonaan Xarumaha Ciidamada dowladda ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.
Dowladda ayaa dhowr jeer oo horey Dhuusamareeb ku daabushay Ciidamo kala duwan, kuwaasi oo ay tilmaamtay inay qeyb ka noqonayan sugida amniga Magaalada iyo xoreynta deegaanada Al-shabaab ay kaga sugan yihiin Galmudug.
Si kastaba Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu wadaa inay dhawaan ka dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha Galmudug, iyadoona halkaas haatan ay ka socdaan qorshaha lagu dhisayo Galmudug Cusub, iyadoona arrimahaas ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya.