Wararka aan ka heleyno Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland Goordhow ay la wareegeen Hotel Cusub oo ku yaalla halkaas.
Ciidamada ayaa isku gadaamay Hotel lagu magacaabo Peace oo saakay laga furi lahaa Magaalada Laascaanood, kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay uu ku socday howlo dhismo ah, hayeeshee lasoo Gaba-gabeeyay.
Wariyeyaal ku sugan Laascaanood ayaa sheegay in hotelka laga taagay dhowr Calan oo kala duwan, Balse la dejiyay oo kaliya Laba Calan oo kala ah kan Soomaaliya iyo midka Kenya, waxaana Ciidanka ay dhulka dhigeen labada Calan ee surnaa Hotelka.
Sidoo kale Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay Wariyeraal ku sugnaa Hotel Peace, kuwaasi oo doonayay inay tebiyaan Munaasabadda lagu daah-furayay Hotelka Cusub.