Warar dheeraad ayaa laga helayaa Dagaal xoogan oo weli ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Mudug oo u dhexeeya Maleeshiyo beeleed, kaasi oo saakay mar kale ka qarxay halkaas.
Dagaalkan ayaa sigaar ah uga socda deegaanka Towfiiq ee hootaga Degmada Af-Barwaaqo ee Gobolka Mudug, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka ay ku geeriyoodeen 5 ruux, halka saddex qof kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana weli la maqlayaa rasaas Culus oo ay isdhaafsanayan labada dhinac.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo Colaadka kasoo cusboonaatay deegaanada hoostaga Af-Barwaaqo, hayeeshee ma jiro tallaabo la qaaday oo ku aadan joojinta Colaada.
Si kastaba Maleeshiyaadka hubeysan ayaa Khamiistii lasoo dhaafay iska dilay in ka badan 15- ruux, halka ay dhaawacmeen tirro intaasi ka badan.