Ciidamo gadoodsan oo xirtay waddo muhiim ah oo ku taalla Jowhar

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska sida gaarka u tababaran ee Haramcad ayaa Maanta gadoodsan ka sameeyay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, sida ay sheegayaan wararka laga helayo.

Ciidamada gadoodka sameeyay oo gaaraya Illaa 50 askari oo ka tirsan Ciidamada Haramcad ayaa Maanta xirtay waddo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka oo ku taalla Magaalada Jowhar.

Ilo-wareedyo ku sugan Caasimadda Hirshabeelle ayaa sheegaya in Ciidamada Haramcad ee gadoodka sameeyay ay doonayaan in dib loogu soo celiyo Magaalada Muqdisho oo markii hore laga qaaday.

Ilaa iyo hadda jiro weli wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Booliska dowladda Federaalka ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ku aadan tallaabada ay ku dalbanayaan Ciidamadan in dib loogu soo celiyo Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaarado Muqdisho uga daabushay Ciidamadan Haramcadka ah oo gaaraya Illaa 50 askari, kuwaasi oo la geeyay Magaalada Jowhar, xilligii doorashada Maamulka Hirshabeelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor