DFS oo Dalab la xiriira xaaladda Falastiin u dirtay Golaha Ammaanka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale si kulul uga hadashay weerarada iyo duqeymaha isdaba jooga ee Ciidamada Israa’iil ku haayan dadka reer Falastiin ee kunool Magaalada Qasa.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa sheegay inay aad xun yihiin weerarada iyo qeymaha Israa’iil la beegsaneyso shacabka Falastiin, isla markaana dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay Falastiin.

Sidoo kale Safiir Abuukar Cismaan Baalle ayaa Golaha Ammaanka ka dalbaday in ay si deg deg ah oo buuxda u siiyaan dadka reer Falastiin nabadgelyo, lana dhowro hantidooda iyo goobaha barakeysan.

“Dowladda Soomaaliya waxay taageeraysaa in Falastiin hesho xuquuqdeeda ah dowlad madax-bannaan oo caasimaddeedu tahay Qudus” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Balaal Cusman oo matalayey dowladda ayaa dhawaan khudbaddii uu ka jeediyey waxaa uu si kulul u Cambaareeyay weerarkii Isra’iil ku qaaday Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.

Dowladda ayaa caalamka ugu baaqday inay qaataan mas’uuliyadahooda ku aadan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada Isra’iil ku heyso dadka Falastiiniyiinta ah, waxyna falka Isra’iil ku weerartay Masjidka Al-Aqsa ku tilmaamay mid fool xun.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor