Tan iyo wixii ka dambeeyey maqribnimadii Caawa ayaa waxaa ciidamo dheeraad ah lagu arkay Xaafadaha iyo Wadooyinka qaar ee Magalada Muqdisho kuwaas oo amniga xaqiijinaya.
Ciidamada ayaa ku sugan Isgoysyada iyo xaafadaha degmooyinka qaar ee Muqdisho,iyaga oo baaritaano ku sameynaya gaadiidka dadweynaha,Mootooyinka bajaajta iyo adka saran halka mararka qaar dadka lugeynaya ay baaritaano ku sameynayaan.
Ciidamada ayaa gaadiidka iyo Mooto bajaajta dadka saaran soo dejinaya,iyaga oo baaraya kadibna ay fasaxayaan markii ay ka waayaan waxyaabo sababi karo amnidarro.
Howlgalkaan baaritaanada ah iyo ciidamada Caawa lagu arkay Xaafado ka tirsan Muqdisho ayaa ka dambeeysay xilli habeenadii la soo dhaafay degmooyinka qaar ee Gobolkan Banaadir ay ka dhaceen dilal qorsheysan oo uu xalay ugu dambeeyey dilkii loo geystay guddoomiyihii Ururka Dhalinyarada degmada Wartanabada.