Ugu yaraan 7 qof ayaa geeriyootay, 13 kalena wey dhaawacmeen, kadib, markii ay Diyaarad Rakaab ku burburtay dalka Raashiya.
Diyaaradaasi waxaa la sheegay inay la socdeen Koox ka kooban 20-qof oo ka tirsan Ciiddanka Dallaayadaha ama Baarshuudka kaga soo booda Diyaaradaha ee Gobalka Kemerovo.
Wakaalladda Wararka Raashiya ee TASS ayaa sheegtay inay Diyaaradasi oo nooceedu ahaa L 410 oo labo matoor leh burburtay xilli ay Degitaan degdeg ah ku caga dhigan lahayd Garoon ku yaalla Degmadda KEMEREVO OBLAST ee K/Galbeed ee Gobalka Saybeeriya ee dalkaasi.
Saraakiisha waxay sheegeen inay Diyaaradaasi burburtay, kadib, markii uu shaqeyn waayey mid ka mid ah labadeeda Matoor.