Ciidamadda Dowlada oo Howlgal Kawada Ceelasha Biyaha.

Wararka Dalsan ay ka haleyso degaanka Ceelasha biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in halkaasi ciidamada dowlada ay kawadaan howlgal ay sarakiishu ay ku sheegeen inay ku xaqiijinayaan amniga Degaanka,waxaana saakay xili hore ciidamadu ay ku jarmaadeen xaafadaha deegaanka oo ay ku dhaqaaqeen howlgal Baaritaan ah,waxaana saraakiisha howlgalkaasi wada ay sheegeen inuu yahay baaritaankan mid lagu hubinayo Amniga.

Goobjoogayaal ayaa Dalsan usheegay in deganka Ceelasha ay ku arkayeen ciidamada dowalada oo baaraya Guryaha ay daganyihiin shacbaka ee Deegaanka.

Arintan ayaa imaaneysa xili xalay deegaanka Ceelasha Biyaha uu ka dhacay Dagaal udhaxeeya Shabaab iyo Ciidamaad dowalada oo ay taageerayeen kuwa Amisom kaaso uu ka dhashay Qasaaro soo gaaray Dhinacyadii  Dagaalamay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media