Maamulada Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee (AMISOM) iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) ayaa sheegay in ay ka go’an tahay kor u qaadista isku dubaridka howlgalada milatari ee wadajirka ah si looga hortago qatarta ka imaaneysa dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Taliyaha ciidamada AMISOM Diomede Ndegeya, taliya Ciidamada Dhulka ee xoogga Abas Amin Ali, iyo saraakiil laba dhinac ah ayaa khamiistii, isku raacay muhiimad ahaan in la dhiso unug isku duwa howlgalada looga horjeedo Al-shabaab.
Ciidanka AMISOM ayaa mar waliba waxaa ay ku dhawaaqaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab, iyadoo ay ku cel-celiyaan in ay kor u qaadi doonaan dagaalka ka dhanka dagaalamayaasha hubeysan ee Al-shabaab.