Ciidammada ammaanka ayaa howlgal qorshaysan oo ka dhan ah Al-Shabaab xalay ka sameeyeen Tuulada Farsoolay ee Gobalka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkaan ayaa ahaa mid looga hortagayay weerarada Al-Shabaab sida lagu xaqiijiyay war qoraal ah oo la soo dhigay barta Twitter-ka ee hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka.
Ciidammada ammaanka ayaa kordhiyay howlgalada ka dhan ah Al-Shabaab ee laga fulinayo deegano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya.
Ciidamada Amniga ayaa xalay oo ay taariikhdu ku beegneyd 6-da November 2018, howlgal qorsheysan oo looga hortagayo Al Shabaab ka fuliyay tuulada Farsooley ee gobalka Sh. Hoose.
Ciidamada amaanka ayaa har iyo habeyba u taagan inay beegsadaan Xagjirka AS, goor kaste iyo meel kaste.— NISA (@HSNQ_NISA) November 7, 2018