Wraraka ka imaanaya deegaano ka tirsan gobolka Gal-gaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku waramaya in Ciidamo ka tirsan Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa gaareen deegaanka lagu magacaabo ย Barujeed ee Gobolka Galgaduud.
Sida uu sheegay taliyaha Nabadsugida Guriceel Maxamed Gaanyac Cabdulle oo Hogaminayey Ciidamada waxa uu sheegay kadib markii halkaas ay u ruuqaansadeen in ay iskaga baxeen dagaalamayaasha Alshabaab howlgalkuna uu sii socon doono.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii dambe howlgalo qorshaysan waxa ay ka samaynayeen deegaano ka tirsan gobolka Gal-gaduud iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Mudug kuwaas oo ay ku sugnaayeen Alshabaab,iyaga o ku hanjabay sii wedidda howlgalka ka dhanka ah Shabaab.