Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Nabad-Sugida Galmudug ay Xabsiga dhigeen Ganacsade Liibaan Shuluq oo ka mid ah Ganacsatada Galmudug.
Sababta loo xiray Ganacsadaha ayaa Warar kala duwan ka soo baxayaan wararka qaar oo aan la xaqiijin  ayaa waxa ay sheegayaan in uu ka qeyb qaatay ololihii ay xildhibaanada qaar xilka uga qaadeen  Axmed Ducaale Geelle Xaaf isla markaana uu lacag farabadan ku bixiyay.
Ciidamada Nabad-Sugida Galmudug ayaa haatan Gacanta ku haya Ganacsade Liibaan Shuluq oo ka mid ah dadka Awooda Ganacsi ku leh deegaanada Maamulka Galmudug.
Xariga Ganacsadahasa ayaanan weli aysan ka hadlin madaxda Galmudug.