Ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa qabtay laba ninoo saarakiishu ay sheegeen in ay doonayeen ku biiritaanka dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.
Laba nin ayaa saraakiishu waxa ay sheegeen in xiliga la qabanayay ay doonayeen in ay ka tallaabaan Xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya si ay waqtigaan ugu biiraan Al-Shabaab sida ay hadalka u dhigeyn.
Suleiman Hemed Mwandilo iyo Salama Salim Mohamed oo xiliga la qabanayay ku sugnaa deegaanka Takaba ee countiga Mandera ayaa boolisku waxa ay ku eedeeyeen in ay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen qorida dhalinyarada ku biireyso Al shabaab.
Labadan nin oo Maxkamad lahor geeyay ayaa waxa ay sheegeen in ay yihiin kalluumeysato doonayay in ay u iiib geeyaan Soomaaliya,laakinse ugu dambeyn Maxkamadu ay Go’aamisay in mudo 30 cisho ah Xabsiga lagu sii haayo.
ayaa markii maxkamada ay kasoo hormuuqdeen waxaa ay sheegeen in ay kaluumeysato yihiin oo kaluunka ay u iib geynayaan dalka Soomaaliya, laakinse maxkamada ayaa go’aamisay in labadaasii nin xabsiga lagu sii hayo mudo 30 maalmood ah si loo dhamaystiro baaritaanada lagu hayo.