Wararka ay Dalsan Maanta ka heleyso qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Maanta ka wareegeen deegaano ka tirsan gobolkaas.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaliya ayaa waxa ay sheegeen in howlgal laga sameeyay Balcad ay Al-Shabaab kala wareegeen tuulooyinka  Geed-faqay,Fidoweyn,fido-diir,dhiiqaaley Iyo Sabyo oo hoos yimaada dhaman Degmada Balcad halkaasoo ay Maalmahan ku sugnayeen Alshabaab.
Tuulooyinkan ayaa waxa ay Balcad u jiran 10km Mitir,waxana la sheegayay in Maalmahaan dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadeen Al-Shabaab.
Ciidamada dowladda ayaa dhankooda waxa ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan tuulooyinka Daniga Baaloow, Basra iyo deegaano kale.