Markii ugu horeysay ayaa xildhibanada Golaha Shacabka Soomaaliya waxaa lagu soo rogay Canshuur ka qaadista Gunada ay qaatan.
War Qoraal ah oo ku taariikheysan 9 Bishaan kaas oo ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda looguna gudbiyay gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa lagu wargeliyay in lag bilaabo Bisha Octoper laga goyn doono Canshuurta.
Warqada ayaa lagu sheegay in talo bixin dhanka sharciga lala sameeyay Garyaqaanka Guud ee dowladda, taasoo lagama maarmaan noqotay in dib looga noqdo canshuur dhaafkii loo sameeyay Xildhibaanada Golaha shacabka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa bil walba mushaar ahaan u qaataan (Saddex Kun oo dollar) waxana la filayaa in arrintaan ay maalmaha soo socda dood ka yeeshaan.
Hoos Ka Akhriso Warqada horay loogu diray Gudoomiye Jawaari.