Ciidamada Dowlada oo Howlgalo ka sameeyay Degmada Qoryooley

Ciidamada ammaanka ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa howlgalo ay ka sameeyen degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose waxay ku soo qab qabten dad badan oo ay ka shakiyen.

Howlgalka ayaa yimid kadib markii shalay halkasi lagu dilay Madaxii amniga degmadasi Axmed Buulle iyo askari ilaalo u ahaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada ay gacanta ku soo dhigen nin la sheegay inuu dilkasi ka dambeeyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor