Ciidamada dowlada oo gacanta ku dhigay nin bam gacmeed ku tuuray guriga gudoomiyaha Deyniile

Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ayaa xalay gacanta ku soo dhigay nin bam gacmed ku tuuray hoyga gudoomiyaha degmada Deyniile Ciise Maxamuud Guure sida warbaahinta dowlada ay sheegtay.

Wakaalada wararka SONNA ayaa sheegeysa in ciidamada ay baacsaden ninka la soo qabtay kadib markii uu bam gacmed ku tuuray ilaalada gudoomiyaha gacantana ay ku soo dhigen markii dambe.

Ninkan ay ciidamada qabten oo aan faahfaahin badan laga bixin waxaa soo gaaray dhaawac nuuciisa aan la sheegin halis iyo fuded midkii uu yahay ayaa la daaweynayaa sida uu sheegay gudoomiyaha Deyniile Ciise Maxamuud Guure.

Al Shabab ayaa kordhisa weerarada ay ka fuliyan magaalada Muqdisho inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor