Al Shabab oo ka tacsiyeysay geerida hogaamiyihii hore ee Daaliban Mullah Akhtar Mansuur

Bayaan ay soo saaren Kooxda Al Shabab ayaa lagu sheegay in tacsi ay uga dirayan geerida hogaamiyihii Daaliban Mullah Akhtar Mansuur dhamaan ummada reer Afghanistan waxa ayna u jeediyen ammaan balaaran.

Al Shabab ayaa cinwaan uga dhigtay bayaankasi “Khuraasaan Manjabaca  Jihaadka iyo istish-haadka” waxaana aad loogu faahfaahiyay geerida Mullah Akhtar Mansuur oo ahaa hogaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Daaliban.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa dhawaan duqeyn ku dilay hogaamiyahasi oo lagu magacaabi jiray Mullah Akhtar Mansuur.

Kooxda Daaliban ayaa dagaal xoogan kula jirta dowlada Afghanistan iyo dalalka reer galbeed ee ka qeybgalaya howlgalka ka dhanka ah kooxdasi ee ka socda Afghanistan.

Mareykanka ayaa duqeyn dila hogaamiyeyaasha sar sare ee kooxaha aadka uga soo horjeeda siyaasadiisa oo ay ku jiran Al Shabab iyo Daaliban.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor