Dad loo soo qabtay weeraro Khasaaro geystay oo ka dhacay Kismaayo

Hawlgallo ay ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Maamulka Jubbaland ka sameeyeen xaafadaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu soo qabtay seddex ruux, kuwaasi oo falal amniga lid ku ah ka waday Magaaladaas.

Ragga la soo qabtay ayaa la sheegay inay qirteen in ay bambaanooyinka gacanta laga tuuro ay habeenkii ku tuuri jireen goobaha ay ku caweeyaan bulshada, isla markaana weeraradaas ay ka dhasheen Khasaarooyin kala duwan .

“Fashilinta iyo soo qabqabashada shabakadaan ayaa timid kadib markii ay ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Maamulka ay howlgallo xiriir ah ka sameeyeen xaafadaha Magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Maamulka Jubbaland.

Kismaayo ayaa xalay waxaa ka dhacay weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed oo lagu weeraray maqaaxi ku taalla xaafadda Farjano ee MKismaayo, waxaana ku dhaawacmay dad shacab ah oo halkaas ku sugnaa, waxaana la geeyay Xarun Caafimaad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media