Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee Haramcad ayaa Maanta Miinooyin nooca dhulka lagu aaso ah ka soo saaray inta u dhaxeeysa Ceelasha Biyaha iyo deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Magalada Muqdisho.
Saraakiisha hogaamineysa howlgalka Miinada lagu soo saarayay ayaa waxaa ay sheegeen in halkaas Miinada ay geliyeen wadada xubno ka tirsan Al-shabaab,isagoo tilmaamay in lagu doonayay in lagu waxyeeleeyo gaadiidka dadweynaha.
Warar qaar ee la helayo ayaa sheegaya in Ciidankan howlgal ka sameeyay Duleedka Muqdisho ay ahaayeen kuwa dhawaan tababar loogu soo xiray dalka Turkiga.
Inta badanย wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca qaraxyo Miinoย ah,kuwaasi oo lala eegto Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM xiliyada halkaas socdaalka ku marayaan,waxaana Masโuuliyadooda sheegta Al-shabaab.