Ciidamada Ahlusuna oo Xabsiga dhigay Xildhibaan Cibaado Yuusuf Maxamed

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Gobolada Dhexe ee Amisom ayaa Xabsiga u taxaabay xildhibaan Cibaado Yuusuf Maxamed oo kamid ah xildhibaanada Dhawan ay sameesteen Maamulkaas.

Arintaan ayaa ka dhacday degmada dhuusa-Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud,waxana sababta loo xiray Xildhibaanada lagu sheegay khilaaf soo kala dhex galay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ahlusuna iyo xildhibaanada.

Dad xog ogaal ah oo ku sugan magaalada dhuusa-Mareeb ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in khilaafkaan uu waayadaan dambe soo jiitamayay taas oo ugu dambeen keentay in xildhibaanada ay Xabsiga u taxaabaan.

Xildhibaanada Cibaado Yuusuf Maxamed ayaa ah Xaaskii uu ka geeriyooday Guddoomiyihii Guud Ee Ahlusunna Sheekh Maxamed Yuusuf Xeyfoow oo Maanta Ciidamada Ahlusuna ay xireen.

Ugu dambeen weli Saraakiisha Ahlusun ma faah faahin sababta ay u xireen Xildhibaanada mana jirto Warar faah fahsan oo intaasi dhaafaya oo ka soo baxaya xariga xildhibaan Cibaado Yuusuf Maxamed.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media