• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, July 16, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

CCA oo Tartan lagu maamusayo Nabadda iyo Isdhexgalka Goballada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo ku qabatay Jowhar.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
February 8, 2016
in Warar
Reading Time: 7 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter
Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda Soomaaliyeed Center for Community Awareness (CCA) oo ka mid ah Hay’addaha Waddaniga ee safka hore kaga jira Wacyigelinta Nabadda iyo Horumarinta Sport-ga waxay Tartan Sport oo K/cagta ah u qabanqaabisay Kooxo ka dhisan Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Tartankaasi oo loogu magac-daray “Tartanka Nabadda iyo Isdhexgalka Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe”  ayaa la soo gebagebeeyey bishan Feberaayo 2-dii, iyadoo uu Tartankaasi bilowdayoo dabayaaqadii bishii hore ee Janaayo ee sannadkan 2016-ka .

Tartankaasi waxa lagu qabtay Garoonka K/cagta ee SNAI Stadium ee ku yaalla magaallo-madaxda Gobalka Sh/dhexe ee Jowhar.

Hal-ku-dhegga CCA ayaa ah: “Sport-ga waxaan ku dhisi karnaa Nabad iyo Dulqaad”.

Hay’adda CCA waxay u isticmaashaa Ciyaarta K/cagta sidii Bulshadda si wadajir ah la isugu keeeni lahaa Nabadda iyo Wacyi-gelinta Muhiimadda Midnimadda Ummadda Soomaaliyeed.

Tartanka K/cagta ee lagu qabtay Garoonka SNAI ee magaalladda Jowhar waxaa ka qeyb galay Naadiyadda K/cagta ee horey u soo qaaday Horyaalka Tuullooyinka Labad Gobal ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Taageerayaal badan oo jecel Ciyaaraha K/cagta ayaana u soo daawasho tegi jirey Tartankaasi oo ay ka qeyb galeen Ciyaartoy da’doodu u dhexeyso 15 jir ilaa 35 jir.

Munaasabadda furitaanka Tartankaasi waxaa Khudbado ka jeediyey Saraakiil Sare oo ka socotay Labada Gobal, kuwaasi oo isugu jiray kuwo Heer Gobal, kuwo Heer Degmo, xubno ka tirsan Guddiyadda Sports iyo Wafdiga CCA ee qabanqaabiyey Tartankaasi.

Guddoomiyaha Degmadda Jowhar, Yuusuf Xaamud Jurus ayaa si rasmi ahaan u furay Tartankaasi oo bilowday dabayaaqadii bishii hore ee Janaayo, lana soo gebagebeeyey bishan Feberaayo 2-da ee sannadkan 2016-ka.

Md. Yuusuf Xaamud Jurus waxa uu u mahadceliyey Hay’adda CCA, wuxuuna soo dhaweeyey Is-dhexgalka Dhallinyaradda iyo Sport-ga.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inuu Tartanka K/cagta ee Labada Gobal yahay markii ugu horreysay oo la qabto Tartan lagu dhiiri-gelinayo Midnimadda Dhallinyaradda ku nool Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan, wuxuuna ugu baaqay Dhallinyaradda inay kordhiyaan Isdhexgalka iyo midnimadda, kana qeyb ga;aan Dadaalka Dib-u-heshiisiinta ee Labada Gobal.

Munaasabadda Furitaanka Tartankaasi waxaa kaloo ka hadlay Xoghayaha Sport-ga ee Degmadda Jowhar, Cali Hilowle Cabdi iyo Ku-xigeenka Guddoomiyaha Degmadda Jowhar ee Arrimaha Bulshadda, Maxamuud Sugaal.

Xoghayaha Sport-ga ee Degmadda Jowhar, Cali Hilowle Cabdi waxa uu ka mahadceliyey Tartanka ay Hay’adda CCA u qabanqaabisay Ciyaartoyda K/cagta ee labada Gobal, wuxuuna xusay inay soo dhaweeynayaan Tartamadda noocaasi ah.

“Waan ku faraxsanahay inay Hay’adda CCA ka soo jawaabto Codsigeenna, isla markaana ay Tartan K/cagta u qabtaan Kooxo ka kala socda Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe, si loo xoojiyo Isdhexgalka iyo Midnimadda Bulshadda” ayuu yiri Xoghayaha Sport-ga ee Degmadda Jowhar, Cali Hilowle Cabdi.

Waxa uu ugu baaqay Dhallinyarada inay kaalin ka qaataan Dhismaha Nabadda ee dalka hooyo, isla markaana xoojiyaan Midnimadooda.

Agaasimaha Hay’adda CCA, Maxamed Cabdi Xsaan “Sandheere” ayaa isagana ka hadlay Munaasabadda Furitaanka Tartankaasi, wuxuuna u mahadceliyey Madaxda Maamulka Degmadda Jowhar, Madaxda Sprt-ga, Ururradda Haweenka ee Labada Gobal iyo guud ahaan dadka ku nool Degmadda Jowhar.

Waxa uu tilmaamay inay Hay’ad ahaan ku faraxsan yihiin Qabashadda Tartankaasi, isagoo xusay in Tartanka loogu talagalay Isdhexgalka Dhallinyaradda iyo in la taageero Dhismaha Dowlad-gobaleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Waxa uu tilmaamay inay CCA ka qeyb qaadan doonto Barnaamijyadda Dib-u-heshiisiinta ee Labad Gobal, si loogu gudbo Khilaafyadda Siyaasadeed ee taagan.

G/xigeenka Maamulka Degmadda Jowhar, Maxamuud Sugaal oo isagana ka hadlay Furitaanka Tartankaasi, ayaa u mahad celiyey Madaxda CCA iyo kuwa Labada Gobal, wuxuuna bogaadiyey CCA oo qabanqaabisay Tartanka K/cagta ee loogu magac daray “Tartanka Nabadda iyo Isdhexgalka Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe”.

Waxa uu ugu baaqay Dhallinyaradda inay la shaqeeyaan Hay’addaha Ammaanka ee ku sugan Gobalka, wuxuuna hoosta ka xariiqay haddii loo midoobo in la gaarayo Nabad iyo Horumar iyo inay Dhallinyaradda fursad u helayaan inay si nabad ah u cayaaraan, lana xoojiyo Isdhexgalkooda.

Tartanka Nabadda iyo Isdhexgalka Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe ee dhawaan lagu qabtay Garoonka K/cagta ee SNAI ee magaalladda Jowhar waxaa ka qeyb galay Afar Kooxood oo kala ahaa: Balcad FC Team, Beled-weyne FC Tean, Bulo-burde FC Team iyo Jowhar FC Team.

Tartankaasi oo ahaa Hal-mar Is-arag waxaa ku haray Kooxaha Balcad FC Team, Beled-weyne FC, waxaana isugu soo haray Kooxaha Bulo-burde FC Team iyo Jowhar FC Team.

Ciyaarta Kama-dambeysta Labada Kooxood waxaa u soo daawasho tegay in ka badan 500 oo qof, kuwaasi oo soo camiray Garoonka.

Ciyaartaasi waxay 90-kii daqiiqadood ee loogu talagalay ku soo idlaatay Kooxda Jowhar oo ku badisay 2 gool iyo 1 gool.

Kabtanka Kooxda Jowhar FC Team ayaa la guddoonsiiyey Koobka K/cagta ee Tartanka Nabadda iyo Isdhexgalka Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe ee ay Hay’adda CCA soo qabanqaabisay.

Si kastaba ha ahaatee, Tartankaasi ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay jiraan Khilaaf Siyaasadeed ka dhex jira qaar ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Labadaasi Gobal, isla markaana ay Maleeshiyadda Alshabaab weli ku sugan yihiin Degmooyin ka tirsan Labadaasi Gobal.

DAAWO SAWIRADDA FINAALKA EE TARTANKA CCA EE LAGU QABTAY GAROONKA SNAI EE JOWHAR:

©Radio Dalsan

Previous Post

(DAAWO): Sawiradda Ninkii ka dambeeyey qaraxii ka dhex dhacay Diyaaradda Daallo Airlines.

Next Post

(SAWIRO): Wargeyska WSJ oo wax ka qoray Qarixii Daallo Airlines

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Next Post

(SAWIRO): Wargeyska WSJ oo wax ka qoray Qarixii Daallo Airlines

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa ku dhawaaqday inay xireen 82 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsan...

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

by Liban
July 16, 2025
0

Addis Ababa – Ethiopia’s national intelligence agency has announced the arrest of 82 individuals suspected of being members of the Islamic State...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay rabshadihii dhawaan ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyadoo...

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

by Liban
July 16, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia has officially called on Puntland authorities to immediately halt hostilities in the Dhahar district of the...

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
English News

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm
English News

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting
English News

Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
  • Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
  • Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00