Siyaasiga Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa si cad oo aan gabbasho lahayn uga hadlay khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland, isagoo taageero buuxda u muujiyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Warsame ayaa dusha ka saaray eedda khilaafka in uu ka yimid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyey in Madaxweyne Xasan uu ku howlan yahay danihiisa gaarka ah oo aan waafaqsanayn maslaxadda guudiyo dastuurka dalka.
Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay in Axmed Madoobe uu ku taagan yahay dariiq sharci ah, isla markaana uu ku jiro shaqadiisa sidii loogu doortay, taasoo Madaxweyne Xasan Sheekh ku guul darreystay inuu u arko sidii ay ahayd. Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa khilaafka sii xoogaystay ku micneeyay inuu salka ku hayo qorshe muddo kororsi oo uu Madaxweynaha Federaalka ku lug leeyahay.
“Shalay, aniga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan Axmed Madoobe garab siinaynay; maanta maxaa Dastuurka isbedel ku keenay?” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan, isaga oo si weyn u dhaliilay mowqifka Madaxweynaha Federaalka.
Sidoo kale, wuxuu dhaliil xooggan u jeediyay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdillaahi, oo uu ku eedeeyay in ay yihiin kuwo si toos ah ugu xiran madaxtoyada.
Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa hadalkan jeediyay subaxnimadii maanta xilli uu warbaahinta la hadlay. Waxaa kale oo uu sheegay in arrimaha hadda taagan ee ku saleysan isqabqabsiga awoodda iyo heshiisyada Jubbaland iyo Villa Somalia aysan ku xalin karin ismaandhaafka joogtada ah, balse loo baahan yahay in la tixgeliyo wada-hadalladii hore iyo heshiisyadii lagu kala qaatay.
Hadalkan kasoo baxay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa imaanaya kaddib markii Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ay soo saareen war-saxaafadeedyo iska soo horjeeda, kuwaas oo midba midka kale eedeynay is mari waaga u dhexeeya.