Caruur walaalo ah oo ku geeriyootay Dab ka kacay Guri ku yaalla Burco

Laba caruur oo walaalo ah ayaa ku dhintay, dab xooggan oo Maanta ka kacay guri jiingada oo ku yaala xaafada Hodan ee magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Abaaro 2:25 duhurnimo ayaa Ciidanka Dab-demiska Burco oo guriga uu dabka ka kacay,  gurmadna u fidiyay , waxaana ciidamadu dabkaa ka xakameeyeen gurigii , iyadoo intaa kadibna Maydka Caruurta laga soo saaray guriga oo dabku wada haystay.

Caruurta ayaa ahaa walaalo, sidoo kale caruurtaas ayaa ahaa Curyaamiin, da’adooduna waxay u dhaxaysay 10-11 sanno.

Guriga ayaa Jiingad markiiba dabku wada qabsaday kana kooban laba qol iyo barande. Ciidanka baarista Booliska ee Maamulka Somaliland ayaa la wareegay baarista kiiskaas.

Ugu dambayn Taliska ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa uga diray bulshada Somaliland inay ka digtoonaadaan wax kasta oo sababi kara dab. Sidoo kale caruurta kaga tagin guryaha, taasoo muddooyinkii dambe caruur badani ku geeriyoodeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply