Carruur yaryar oo ku geeriyootay Gaari ay ku dhex caburmeen

Ciidanka Booliska dalka Iraaq ayaa sheegay in 2 wiil iyo gabar Walaalo ah ay ku neef qabitoomeen gaari looga dhex tegay.

Dhacdadaasi ayaa waxaa ay Maanta ka dhacday Xaafadda Albaladiyah ee Magaalaada Baqdaad, iyadoo Waalidka carruurtaasi kaga dhex tegay gaarigiisa oo daaqadaha u xirnaayeen, xilli uu kuleyl daran Maanta ka jiray Caasimadda Baqdaad.

Waalidka ayaa dayacay Carruurta oo uu keligooda ku dhex xiray gaarigiisa, iyadoo aysan dad ka da’ weyn ku wehlinin gaariga looga dhex tegay. Carruurtaasi waxay da’deeda kala aheyd 2 jir iyo 3 jir.

Baaritaanka hordhaca ee Ciiddanka Ammaanka ayaa muujinaya inay Carruurta u geeriyoodeen kuleylka ay xamili waayeen, iyadoo Mukayfja ama Air Conditioner-ka gaariga dansanaa, daaqaduhuna ay wada xirnaayeen.

Dadka kunool Caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad ayaa siweyn uga naxay dhacadaan markii maqleen, isla markaana waxaa baraha Bulshada hareysay falcelinta dadka Ciraaqiyiinta ee la xiriirta dayaca carruurtaasi u geeriyoodeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor