Warar ay Idaacadda Dalsan ka heleyso Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in deegaan ka tirsan Gobolkaas uu ka dhacay qarax khasaaro u geystay laba Carruur ah.
Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay tuulada Bali-cad oo oo 11 km dhinaca Waqooyi kaga beegan deegaanka Dhabbad ee Gobolkaasi Galgaduud.
Qaraxa ayaa waxa uu yimid kadib markii Carruurta ay garaaceen miino kadibna ay ku qaraxday,waxaana la xaqiijiyay inay ku dhinteen laba Carruur ah oo walaalo ahaa.
Labada Carruurta ahaa ee geeriyootay ayaa waxaa da’dooda ay ku sheegeen dadka tuulada Bali-Cad 15 iyo 14 jir,isla markaana isla galabta la’aasay.
Dhowr mar ayaa sidaan oo kale waxaa miino ay garaacayeen ku qaraxday carruur ku nooleed deegaanka ka tirsan dhulka miiyoga ah ee Gobolka Galgaduud,waxan la rumeysan yahay in miinooyinkaas ay yihiin haraadiga dagaaladii sokeeye ee ka dahcay Soomaaliya.