Cameey oo ka laabtay Dacwad uu ka gudbiyey Madaxweyne Gaas

Maanta oo Talaado ah ayaa qorshuhu ahaa in Maxkamada Sare ee Puntland ay qaado dacwad u dhaxeysay Madaxweynaha Puntland Cabduweli Gaas iyo ku xigeenkiisa Cameey,hayeeshee Cameey uu ka laabtay dacwadaas.

Warqad uu soo saaray Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa waxa uu ku sheegay in uu ka laabtay dacwadaas.isla markaana uu u tanaasulay duruufo jira aawgeed.

Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa isku khilaafay Magacaabistii Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka oo uu Madaxweyne Gaas Magacaabay,sidoo kalena Cameey uu Guddi kale ka daba magacaabay.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor