Cali Guudlaawe oo soo gaaray Muqdisho, billaabayna kulamo siyaasadeed

Madaxweynaha Dowlad Goboeedka  Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta safar shaqo kusoo gaaray Magaalada Muqdisho.

Cali Guudlaawe ayaa Groonka waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin kala duwan oo Xildhibaanno ay ka mid yihiin, waxaana uu billaabay kulamo siyaasadeed.

waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade Airport kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, qaar kamid ah Xildhibaanada Dowladda Hirshabeelle iyo Masuuliyiin kale.

Dhanka kale Madaxweynaha waxa uu garoonka diyaaradaha ee aadan cade kula kulmay Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay iska wareysteen xaaladaha guud ee dalka.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor