Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta tababar usoo xiray ciidamada loogu talagalay inay qayb ka noqdaan Ciidanka Madaxtooyada.
Ciidanka Tababbarka loo soo xiray ayaa ah kuwa sida gaarka ah u tababaran looguna talagalay Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo mudo tababar uga socday Caasimada Jowhar.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidankaan daraawiishta ah ay u diyaarsan yihiin adkeynta amniga caasimada, Madaxtooyada sidoo kalana ay ka qeyb qaadan doonaan wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah alshabaab.