Cabduweli Muudeey”Mursal in uu mooshinka qabto xanaaq ayaa ka keenay”

Guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo 2aad ee Golaha Shacabka oo Goordhow la hadlay warbaahinta ayaa wax ay sheegeen in aysan waxba kala socon mooshinka uu guddoomiyaha Golaha Shacabka ka qabtay Xildhibaanada qaar ee Golaha.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Muudeey ayaa sheegay in mooshinkaas uu yahay mid aan waxba ka jirin,isla markaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka inuu qabto uu ka keenay xanaaq,isla markaana dalkaan aan lagu maamuli karin xanaaq.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in ay ka warsugayaan halka la geyn doono mooshinka laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor