Cabdulqaadir Cosoble Cali ayaa ku guulaystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#140 ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo doorashadiisa ka qabsoontay Magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Goboleedka  Hirshabeelle.
Musharax Cabdiqaadir Cosoble ayaa helay 76-cod halka Musharax Cabdikariim Tifow uu helay 22-cod, Waxaa halaabay 3-cod.
Intaa kadib Cabduqaadir Cosoble Cali oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka ayaa kulan gaar ah la qaaatay Madaxweynaha Dowlad Goboledka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen.
Iyadoo kulanku uu ka dhacay   ayaa Xarunta Madaxtooyada, waxaana Cali Guudlaawe uu  ugu hambalyeeyay Xildhibaan Cosoble guusha uu xalay gaaray, isagoo  kula dardaarmay u shaqeynta bulshada Hirshabeelle iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.