Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka SOomaaliya Cabdi Xasshi Cabdullaahi ayaa Maanta magacaabay Guddiga Doorashooyinka ee Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee Gobolada Waqooyi.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu magacaabay Guddiga oo kooban 8-xubnood, kuwaasi oo afar xubnood Gobolada Waqooyi ku metelaya Guddiga Doorashooyinka dalka ee 2020/2021.
Wareegtada Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa lagu sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya laga sugayo soo magacaabida 3 xubnood oo ay ku leedahay Guddiga.
Hoos ka Akhriso Wareegtada kasoo baxday Cabdi Xaashi.