Taliye ku xigeenkii hore ee Hayadda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee dhawaan xilka laga qaaday ayaa Maanta Saacado kooban waxaa lagu xayiray Garoonka diyaaradaha Magalada muqdisho.
Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in sababta xayiraada ay keentay Warqad uu watay,balse Saacado kadib dib loo fasaxay markii ay murankaasi soo farageliyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ku heyb ah Cadalla Cabdalla.
Weli lama cadeyn halka uu ku sii jeedo,balse Wararka qaar ay heleyso Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan inuu ku wajahan yahay Magalada Nairobi ee dalka Kenya.
Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla ayaa waxaa dhawaan xilkii ka qaaday madaxweynaha Soomaaliya,sidoo kalena ka xayuubiyey darajadii Ciidanimo ee Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya.
Wareysi uu bixiyey Cabadalla Cabdalla ayaa lagu sheegay inuu ugu gefay Sharciga Ciidamada,isla markaana uu ku muteysatay in laga saaro ciidamada Nabadsugida Soomaaliya oo uu mudo ka tirsanaa,waxana horay sidoo kale u jirtay inuu dacwad ka gudbiyey Agaasimaha Nabadsugida iyo kuxigeenkiisa.