Boqorka Urdun oo ka codsan doona Ra’isul-wasaaraha dalkaasi inuu is-casilo.

Ilo Siyaasadeed ayaa sheegay in Boqor C/llaahi Bin Xuseen Bin Talaal ayaa la filayaa inuu maanta ka codsado Ra’isul-wasaare Hani Mulki inuu is-casilo, kadib, markii ay dadka ka dibadbaxeen Qorshe ay Xuikuumadda ku kordhisay Canshuurta.

Ra’isul-wasaaraha ayaa la filayaa inuu goor dambe oo maanta ah inuu Qasriga Boqortooyadda kaga dhawaaqo inuu ka degay Xilkaasi oo uu hayey tan iyo bishii May ee sannadkii 2016-kii