Afhayeenka Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha dalka Liibiya, Ayuub Qaasim waxa uu sheegay inay 200 Tahriibayaal ay xalay ka soo badbaadiyeen Badda, kuwaasi oo ku sii jeeday Xeebaha Talyaaniga.
Waxa uu sheegay in doonida ay la socdeen Tahriibayaasha oo ahayd nooca Alwaaxa lagu qabtay meel ka baxsan Xeebaha dhanka Bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Tripoli.
Isbuucan waxay Ilaaladda Xeebaha Liibiya soo badbaadiyeen in ka badan 1,100 Tahriibayaal ay ku jireen Tibaneeyo carruur iyo Haween ah.
Dhinaca kale, Boliska dalka Giriigga waxay sheegeen in gaari ay la socdeen 10 Tahriibayaal u dhashay dalka Syria uu ku qalibmay Waqooyiga dalkaasi.
3 qof ayaa ku geeriyootay shilkaasi, iyadoo 7 kalena uu soo gaaray dhaawacyo fudud iyo kuwo culus.
Tahriibayaashaasi ayaa la sheegay inay doonayeen inay si dhuumaalaysi ah ku so ogalaan dalka Giriigga, iyadoo ay hagayeen Koox Mukhalasiin ah oo dadka u kala tahriibiya dalalka Turkiga iyo Giriigga.