Hoggaamiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay.
Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe waxaana soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntlandย Cabdi ladiif Muuse Sanyare, Xildhibaan Fuโaad Abshir iyo Guddoomiyaha ururka Haweenka Mudug Shukri Cabdi Cali.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa aya waxaa ay kasoo amb-bexeen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyadoo halkaasi horay uu ugala soo kulmay masโuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.
CC Shakuur ayaa dhawanahaan ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb waxaana uu kulamo la qaatay qayba kala duwan ee Bulshada Galmudug.