Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo Maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ka hadlay Xayiraad lagu saaray Garoonka Aadan Cadde inta uusan bixin kahor.
C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu sheegay xiyaarad kooban Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula kulmeen isaga iyo wafdi uu hogaaminayay xili ay kusii jeedeen Magaalada Kismaayo,hayeeshee markii dambe lasii daayay.
War qoraal ah oo bartiisa Facebook uu kusoo qoray Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayuu ku shaaciyay in xariyaad Maanta lagu saaray Garoonka Aadan Cadde.
Kismaayo ayaan soo gaarnay, kaddib xayiraad kooban oo aan maanta kala kulanay aniga iyo wafdigayga gegida diyaaradaha ee Aadan Cadde”ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur.
Warar goor hore soo baxay ayaa sheegayay in Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir iyo wafdigiisa muddo kooban lagu hakiyay Garoonka Muqdisho, kaddib markii Laamaha amniga Garoonka ay sheegeen in aysan heynin macluumaadka bixitaankiisa wafdigiisa,hayeeshee markii dambe wadabadalo dhexmaray laamaha amaanka iyo Mas’uuliyiin kale ayaa loo ogolaaday inay safraan.
Si kastaba C/raxmaan C/Shakuur iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa hal diyaarad u raacay Magaalada Kismaayo,iyagoona halkaas uga qeyb galaya Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo dhawaan halkaas ka dhaceysa.