Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka ayaa Maanta oo Axad ah Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku yeeshay mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa.
Kulanka Xildhibaanada Jubbaland ayaa Maanta waxaa ay ku ansixiyeen Madaxweyne ku-xigeenada Jubbaland oo dhawaan uu Magacaabay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay inay ansaxyihii Madaxweyne ku-xigeenada Koowaad iyo labaad ee Jubbaland ee kala ah Maxamuud Sayid Aadan iyo Cabduqaadir Xaaji Maxamed.
Wareegto ka soo baxday dhawaan Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa uu ku magacaabay labadiisa ku-xigeen.